Mabaadii’da iyo qiyamka udub dhaxaadka u ah Xisbiga Damiirka Soomaalinimada iyo Horumarka ee qeexaya aragtidiisa iyo himiladiisa islamarkaasna uu Xisbiga SOCOD u howlgalayo meelmarintooda waxaa ka mid ah:
- Adkeynta midnimada Soomaaliya iyo difaaca qarannimadeeda;
- Nabadeynta, isudumidda iyo dib u heshiisiinta bulshada Soomaaliya;
- Horumarinta nidaam wadatashi ku salaysan, dhaqangelinta garsoor caadil ah iyo hubinta sarreynta iyo fulinta qawaaniinta;
- Kala saaridda awoodaha hey’adaha qaanuun dejinta, fulinta iyo garsoorka;
- DHowridda xuquuqda iyo xorriyaadka asaasiga ah ee muwaadiniinta oo ay ka mid yihiin xorriyatul qowlka iyo xaqa lahaashaha gaar ahaaneed;
- Taabbagelinta hey’ado qaran oo sal adag iyo helidda hoggaan suuban oo ku howlgala masuuliyad, hufnaan iyo xisaabin;
- Ka qeybgalka doorashooyin joogto ah, xor ah islamarkaasna hufan iyo adkeynta nabad kula wareegidda awoodda;
- U howlgelidda hodannimo xagga arrimha bulshada, dhaqaalaha iyo siyaasadda oo shacabka Soomaaliya u dhanyihiin;
- Difaaca iyo daryeelka bii’ada;
- Ka hortagga musuqmaasuqa iyo dhammaan wixii dhaqan xumo ku ah bulshada dhaxdeeda;
- Baahinta awoodda iyo kawada faa’iideysiga kheyraadka dalka;
- Iskaashiga wadamada mandiqadda iyo dunida inteeda kale ayadoo maslaxadda Soomaaliya awlawiyadda la siinayo iyo dowrkeeda hoggaamineed