Mabaadii’da Xisbiga SOCOD

Mabaadii’da iyo qiyamka udub dhaxaadka u ah Xisbiga Damiirka Soomaalinimada iyo Horumarka ee qeexaya aragtidiisa iyo himiladiisa islamarkaasna uu Xisbiga SOCOD u howlgalayo meelmarintooda waxaa ka mid ah:

  1.  Adkeynta midnimada Soomaaliya iyo difaaca qarannimadeeda;
  2. Nabadeynta, isudumidda iyo dib u heshiisiinta bulshada Soomaaliya;
  3. Horumarinta nidaam wadatashi ku salaysan, dhaqangelinta garsoor caadil ah iyo hubinta sarreynta iyo fulinta qawaaniinta;
  4. Kala saaridda awoodaha hey’adaha qaanuun dejinta, fulinta iyo garsoorka;
  5. DHowridda xuquuqda iyo xorriyaadka asaasiga ah ee muwaadiniinta oo ay ka mid yihiin xorriyatul qowlka iyo xaqa lahaashaha gaar ahaaneed;
  6. Taabbagelinta hey’ado qaran oo sal adag iyo helidda hoggaan suuban oo ku howlgala masuuliyad, hufnaan iyo xisaabin;
  7. Ka qeybgalka doorashooyin joogto ah, xor ah islamarkaasna hufan iyo adkeynta nabad kula wareegidda awoodda;
  8. U howlgelidda hodannimo xagga arrimha bulshada, dhaqaalaha iyo siyaasadda oo shacabka Soomaaliya u dhanyihiin;
  9. Difaaca iyo daryeelka bii’ada;
  10. Ka hortagga musuqmaasuqa iyo dhammaan wixii dhaqan xumo ku ah bulshada dhaxdeeda;
  11. Baahinta awoodda iyo kawada faa’iideysiga kheyraadka dalka;
  12. Iskaashiga wadamada mandiqadda iyo dunida inteeda kale ayadoo maslaxadda Soomaaliya awlawiyadda la siinayo iyo dowrkeeda hoggaamineed